SAWIRO:-Madaxweyne Waare oo gaarey Buulo Burde kana bilaabey kulamo

Mogadisho  –January 05, 2020—Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa  waxaa ay gaareen  Magaalada Bula Burde ee gobolka Hiiraan.

 

Garoonka diyaaradaha Buulo Burde waxaa Waare kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo maalmahaan ku sugnaa degmadaas & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

 

 

 

Waare ayaa waxaa uu kulan la qaatay  dayaash dhaqanka bula burde iyo mas”uuliyiinta maamulka degmadaas,isaga oo kala hadlay sii xal looga gaari lahaa khilaaf dhinaca maamulka ah oo ka taagan degmadas.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa u jeedada ugu wyen ee u tagay BuuloBurde ay tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka dhashay Maamulka Cusub ee loo Magacaabey degmadaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *