Xaaf oo qoraal ka dhan ah dowladda u direy Beesha Caalamka

Mogadisho  –January 09, 2020—War-saxaafadeedkan soo baxay Xaafiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu wargaliyey Beesha caalamka iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya in Madaxweyne Xaaf uu wakaalashada kala noqdey dowladda federaalka.

 

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dawladda federaalka ku takrifashey wakaalashada uu madaxweynahu ku wareejiyay wasaarada Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

 

 

 

Sidoo kale warqadan waxaa lagu xusay in uu Madaxweynuhu magacaabay gudiga farsamada ee doorashada Galmudug. Isla markaana ay Dowladdu qalqal siyaasadeed ka wado Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *