Shir Boosaaso uga furmay Puntland iyo Jubbaland

Mogadisho  –January 18, 2020—Shirka Iskaashiga Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland ayaa ka furmey Madaxtooyada Boosaaso.

 

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir u furay shirka.

 

 

 

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.

 

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro kala socda labadda maamul iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Puntland.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *