Madaxweynaha Jubbaland oo ka ambabaxay Magaalada Boosaaso

Mogadisho  –January 21 -2020—Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ka sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

 

Madaxweyne Deni waxaa sagootinta Madaxweynaha Jubbaland ku weheliyey xubno ka tirsan goleyaasha Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

 

 

 

Labada Madaxweyne ayaa Warmurtiyeed isugu jirey heshiisyo ay wada gaareen iyo eedeyn ay u jeediyeen dowladda Federaalka waxaa ay kasoo saareen kulan laba maaliin uga socdey Magaalada Boosaaso.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *