Doorashada Madaxtinimada Galmudug oo dib loo dhigey

Mogadisho  –January 29-2020—Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa waxaa ay goordhow  ku dhawaaqeen in Muddo Saddex Cisho ah dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

 

Guddoomiyaha Guddiga oo Warbaahinta kula hadlay dhuusamareeb ayaa waxaa uu sheegay  in maalinta Axadda ah ee Todobaadka soo socda ay qabsoomi doonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

 

 

 

Maanta oo Arbao ah ayaa waxaa khudbadaha laag dhageystay Afar Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha galmudug iyo 5 Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

 

Khilaaf ayaa hareeyey doorashada Galmudug,waxaa sidoo kale diidey,hoggaanka Ahlusunna,Madaxweyne xaaf iyo Afar Musharax,kuwaas oo aan weli is diiwaangelin.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *