Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Midowga Yurub

Mogadisho  –-2020—Madaxweynaha Somaliland ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Nicolas Berlanga Martinez

 

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga Martinez

 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee midowga yurub iyo Somaliland ka dhexeeya, sidoo kale waxa laga wada hadlay taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay midowga yurub ku taageeraan  Somaliland, isla markaana loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed.

 

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu lafo-guray sidii laysaga kaashan lahaa horumarka iyo amniga guud ee mandaqadda geeska Afrika.

 

Waxaana Madaxweynaha kulankaas ku wehelinaayey, wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gafaadhi).

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *