Guddiga doorashooyinka Puntland oo kulamo ka bilaabay Boosaaso

Mogadisho  –-2020—Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland ayaa saaka oo ah 8/2/2020 waxay shir kula yeesheen xarunta gobolka ee magaalada Bosaso mas’uuliyiinta degmada, kuwa gobolka iyo golaha degaanka gobolka Bari oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha gobolka Cabdisamad Yuusuf Maxammed iyo duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir.

 

Guddiga ayaa  intii kulankaasi socday waxa uu mas’uuliyiinta lla wadaagay jadwalka doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland iyo guud ahaan qorshaha hirgelinta hannaanka doorashooyinka xorta ah ee qof iyo cod.

 

 

 

Guddoonka gobolka Bari ayaa soodhaweeyay hiigsiga iyo qorshaha guddiga ee doorashooyinka xorta ah.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *