Wasiirka Caafimaadka oo kormeertay Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan

Mogadisho  –-2020—Wasiirka Caafimaadka Dr Fawziya Abiikar Nur ayaa Maanta booqasho ku tagtay Isbitaalka Rajab Dayib Erdogan (Ex Digfeer).

 

Wasiirka ayaa kormeertay qeybta caruurta si ay ugu kuur gasho daryeelka caruurta u baahan daawaynta heerka labaad iyo seddexaad ee uu isbitaalkaas takhasusiga ah bixiyo.

 

 

 

Wasiiradda ayaa ka dhagaysatay dhaqaatiirta iyo howl wadeenka warbixinnada shaqada, caqabadaha jira iyo dar dargalinta howlaha daryeel bixinta caruurta.

 

Isbitaalka ayaa ku shaqeeya protocol iyo hishiis wada shaqayn iyo howlgalin oo ka dhexeeya labada wasaaradood Ee Caafimaad ee Turkiga iyo Somalia.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *