MD Laftagareen oo la kulmay Wafdi ka socda Dowladda Somalia

Mogadisho  –-2020—Wafdi ka socda Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo uu hoggaaminaayo Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Aadam Cabdinaasir iyo Komishineer Xuseen Cabdi Aadan ayaa Magaalada Baydhabo  kula kulmay Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Kooonfur Galbeed SCabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

 

Madaxwayne Cabdicasiis ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay aqalka Madaxtooyada KGS, isagoo bogaadiyay hawlaha guddiga ee deegaannada KGS.

 

Xubnaha Guddiga ayaa sharraxaad ka bixiyay hawlaha u diyaargarowga doorashooyinka foodda innagu soo hayo iyo doorka laga rabo Dowlad Goboleedka KGS.

 

Xubnaha wafdiga ayaa inta ay ku sugan yihiin Baydhabo waxaa la filayaa inay la kulmaan Madax ka tirsan Koonfur Galbees,iyaga oo kala hadlaya Arrimaha doorashooyinka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *