Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka bilaabey Dhoobleey

Muqdisho | QOL | isniin , Feberaayo 24, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ku sugan Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa halkaasi waxaa uu ka bilaabey kulamo kala duwan.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan sarakiil katirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Xooga dalka ayaa halkaas u tagay dib u habaynta Ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xooga dalka ee aagaas ka howlgala,sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intu Dhoobley ku sugan yahay la kulmi doona Dadweynaha iyo masuuliyiinta maamulka Deegaanka iyo Saraakiisha Ciidamada,isaga oo kala hadli doono la-dagaalanka Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *