Madaxweynaha Jubbaland oo gaarey Magaalada Dhoobleey

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 9, 2020 —Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Socdaal dhinaca cirka ah ku tegay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

 

Wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaaada Kismaayo ayaa  waxaa ku wehelinaya safarkiisa Xubno katirsan labada gole ee Jubaland iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

 

 

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *