Guddoomiye Jawaari oo Tegay Beydhabo

 

 

Muqdisho, 19 January, 2016: Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Magaalada Beydhaba halkaas oo ay uga qeyb galayaan Caleema Saarka Guddoomiyaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka  Koonfur Galbeed iyo kuxi-geenkiisa.

Jawaari iyo Wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyadoo saacada soo socda la filayo inay dhacdo Xafladda lagu caleema saarayo guddoomiyaha cusub.

Asbaabta uu Gudoomiyaha uu u tegay Baydhabo ayaa ugu weyn Xaflada Caleemo Saarka Gudoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed iyo ku xigeenkiisa.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *