Guddoonka Golaha Shacabka oo la kulmey Guddi ay Magacaabeen

Muqdisho | QOL |  Isiin     , March 23, 2020 —Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudeey oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Cabdalla Cawad ayaa Kulan la qaatay Guddiga Diyaarinta Xeerarka Dhameystiraya Sharciga Dorashooyinka Qaranka.

 

Guddigaan oo uu Dhawaan Magacaabay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka kooban 17 xubnood, Kulanka ayaa ahaa mid isxogwareysi ah loogana hadlayay Arrimaha doorashooyinka.

 

 

 

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo (Yarey) ayaa shalay sheegtay in Xildhibaannada labada aqal looga baahan yahay inay dedejiyaan Sharciga Axsaabta si Xisbiyada la diiwaangeliyey ay uga baxaan Kumeel gaarnimada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *