Madaxweynaha Puntland oo Magacaabis deg deg ah sameeyey

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

 

Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari.

 

Wuxuu xeeriyey:

 

  1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *