Wararka Dowladda Somalia oo soo saartey Amar ku socda dadka degan dhulka Ciidanka Asluubta

Muqdisho | QOL |  isiniin    , March 230, 2020 —Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo Saaray Baaq lagu mamnuucayo Isticmaalka, Boobka iyo Qaadashada Sharci-daradda ah ee lagu hayo dhammaan Dhulalka iyo Hantida Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

 

Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Cadaaldda Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysata horayna ula wareegtay dhul ay leeyihiin Ciidanka Asluubta inay si deg deg ah ugu soo wareejiso ciidanka Asluubta.

 

 

 

Amarkaan kasoo baxey Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu daba socdaa xilli Maanta Taliyaha Ciidanka Asluubta uu sheegay inay jiraan dad heysta Dhulka Ciidanka Asluubta,sidoo kalena uu sheegay in duqa Muqdisho uu dhagax-dhogey Dhul ay leeyihiin Ciidanka Asluubta.

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *