Madaxweyne Qoor Qoor oo kusii jeeda Xeraale

Mogadisho | QOL | April 4, 2020 –Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa kusii jeeda degaano iyo degmooyin ku yaalla Waqooyiga gobolka Galgaduud.

 

Wafdiga waxaa ka mid ah Xildhibaanada ka tirsan labada Gole ee dowladda Soomaaliya, waxaana lagu waddaa Madaxweyne Qoor Qoor in uu ku gaaro degaanada Xeraalle iyo Huurshe.

 

 

Madaxweynaha ayaa  goobjoog ka noqon doona heshiis ay kala saxiixan doonaan labo beeleed oo Sanadyadii ugu dambeeyay Colaad dhexmartay laakiin dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in heshiis horu dhac ah la gaaro.

 

Waa Safarkii ugu horeeyay tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Galmudug uu kaga baxo Magaalada Dhuusamareeb.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *