Madaxweyne Waare oo Shaqada ka joojiyey mas’uuliyiin Amar jebiyay

Mogadisho | QOL | April 21 2020–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qaaday tallaabo uu Shaqada uga joojiyey Wasiiru dowle ka tirsan maamulkiisa iyo Guddoomiye maxkamad oo lagu eedeeyey inay jebiyeen Amar ku saabsan ka hortegida faafitaanka Cudurka Coronavirus,kaas oo Maamulka kasoo baxay.

 

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle  ayaa waxaa shaqadi ilooga joojiyay  Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur,kuwaas oo lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii lagu joojiyey isku imaatinka dadka,isla markaana si Sharci darro ah ay ku fureen Goob ay dad badan isugu yimaadeen.

 

 

 

Sidoo kale Mas’uuliyiintaan ayaa waxaa la faray inay soo gudbiyaan War qoraal ah oo ay uga warbixinayaan tallaabooyinka ay qaadeen.

 

Madaxweyne Waare ayaa noqdey mas’uulkii ugu horeeyey ee sameeyey tallaabo aan horay loo arag ee Shaqada looga joojiyey Mas’uuliyiin jebiyey Amar soo baxay oo ku saabsan Cudurka COVID-19.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *