Dowladda Somalia oo Shacabka u dirtey farriin ku saabsan COVID19

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Wasiirka Caafimaadka iyoDaryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah dadaallada lagu xakameynayo cudurka sida dhaqsaha u faafa ee COVID-19.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur oo sheegtay in dowlladu ay wado dadaallo aan hakad laheyn oo lagu doonayo in lagu yareeyo faafitaanka iyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo cudurka, ayaa caddeysay in wadajirka shacabka iyo dowladdu uu muhiim u yahay howsha socota.

Dowladda Soomaaliya oo daryeelka bulshada u yahay muhiimadda Koowaad ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta cudurkaan COVID-19 ee dhibaatada badan ku haya caalamka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *