Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddiga Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Madaxweynaha Maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey shir

looga hadlayey saamaynta baaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay si deg deg wax looga qabto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *