Puntland oo xaqiijisay 136 kiis oo Corona Virus ah

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Wasaaradda Caafimaadka maamulka Puntland ayaa xaqiijisay in 11 ruux 24kii saac ee lasoo dhaafay laga helay Cudurka Corona Virus degaanada maamulka Puntland.

War kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordhayaan kisaska Cudurka Covid 19 ee degaanada maamulka Puntland.

11 Ruux ee laga helay waxay kala ahaayeen 7 Rag ah iyo 4 Dumar ah.

Dadka laga helay waxay kala joogaan 7 Ruux Gobolka Nugaal, 4 ruux waxay joogaan Gobolka Karkaar

Tirada Dadka xanuunka laga helay Puntland ayaa gaartay guud ahaan 136 Ruux, waxaa dhintay 5 ruux waxaa soo kabtay 3 Ruux.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *