Guddoomiye Cumar Filish oo ku baxay Shaqaaqo ka dhacday Muqdisho

Mogadisho | QOL | May 26 2020–Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ku baxay xalinta shaqaaqo dagaal oo xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ku dhaxmartay maamulka degmada Deyniile iyo ciidama hubeysan oo ay maamulka degmada ku sheegeen in ay dhulboob sameynayaan.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan ku-xigeenadiisa ayaa kormeeray goobta uu saakay ka dhacay dagaalka isagoo sheegay in si deg deg ah loola xisaabtami doono cidkaste oo ku xad gudubta sharciga.

Dagaalkii ka dhacay xaafada Cara-Guduud ee degmada Deyniile ayaa sida la sheegay waxaa uu dhex-maray Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya oo ka yimid Shabeellaha Hoose iyo kuwa Booliska Deeyniile,waxaana ku geeriyoday Shan Ruux oo dhinacyadii dagaalamay ahaa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *