Kulanka Xildhibanada Golaha Shacabka oo furmay

Mogadisho | QOL |  June 20, 2020–Waxaa goor_dhow furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ah kii 4-aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka iyo qeybinta xeerka qoondaha ku noqoshada miisaaniyadda 2020-ka.

156 Xildhibaan ayaa goobjoog ah fadhiga

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________