Ganacsato dhac loogu geystay Koonfur Afrika oo Risaala la hadlay

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa la sheegay in habeenimadii  xalay aheyd ay boob xoogan u geysteen dhowr dukaan oo Soomaali ay leeyihiin, iyaga oo ka qaatay lacago iyo agab kale.

Dukaamadaan oo ku yaalla Magaalada Vrendenburg oo qiyaastii (146km) u jirta Cape Town ayaa Kooxaha Burcada ah ay cagta mariyeen,waxaana Goobaha Ganacsi ay badankood ku yaallaan Xaafadaha ay ku badan yihiin dadka madow.

Macow Xaaji Rooble iyo Cumar Cadaan oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda looga boobay Koonfur Afrika ayaa Risaala uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________