Maamulka Koonfur Galbeed oo sameeyay xilka qaadis & Magacaabis

Mogadisho | QOL |  July 15  2020–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Mohamed Abukaŕ Cabdi ayaa xilkii ka qaadey Xoghayihii degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yiriisow,waxaana Xoghayaha Degmada loo magacaabey Xuseen Maxamed Daàhir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in xilka qaadistan iyo Magacaabistan ay keentay soo jeedin ka timid Guddoomiyaha degmada Marka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________