Baarlamaanka Puntland oo ka doodaya xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah

Mogadisho | QOL |  July 21 2020–Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa si rasmi ah u furmay.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ah dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ayaana dood ka yeelanaya dhameystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xubnahaan ayaa muhiim u ah maamulka Puntland, waxaana horay loo kala diray xubnihii shaqeynayay ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________