Maxaa looga hadlaya kulanka Golaha Shacabka ee berri?

Mogadisho | QOL | August-03-2020- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri taariikhduna ku beegan tahay 3/8/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agendaha ayaa ah

Sii Wadida Dib u eegista Miisaaniyadda 2020.
Ka Doodis iyo u Codeyn Wax Ka Badalka Sharci Num 75 Qodobkiisa 10aad ee Muda Xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka.
Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa Caawa lagu wargeliyay in berri uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________