Ciidamada Dowlada oo ku dilay Saraakiil shabaab ah deegaanka Baarsanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in  howl-gal ay ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Baarsanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Ay ku dileen Saraakiil shabaab ah.

Howl-galka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu dilay xuno sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha guutada 11-aad, qeybta 43 ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Sare Cadoow Maxamed Sahal oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay inay dileen sarkaal uu magacaiisa ku sheegay Cabdi Ibraahim Saleebaan oo ahaa madaxii  jabhadda kooxda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose iyo ku xigeenkiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa intaasi ku daray inay daawaceen saddex xubnood oo kale, kadib markii ay ka hortageen weerar uu sheegay inay doonayeen inay soo qaadaan.