Midowga musharraxiinta kulan xasaasi ah ku leh hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho…

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu kulan deg deg ah uga furmay magaalada Muqdisho Midowga musharraxiinta ee u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee 2020/2021.

Kulankan oo ay inta badan ka qeyb-galayaan musharraxiinta dhowaan is-baheysiga sameyntay ayaa waxaa ay kaga hadlayaan waxyaabihii soo kordhay todobaadkan.

Musharraxiinta ayaa si gaar ah diirada u saaraya xaalada cakiran ee doorashooyinka, adkeynta nabad-gelyada iyo sidii ay u xoojin lahaayeen walaaca ku aadan doorashada.

Sidoo kale wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada ay cirka isku sii shareertay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa mucaaradka iyo dowladda oo maalmihii u dambeeyey hawada isu marinayey dhaliilo xoogan iyo cambaareyn uu midba midka kale u jeeinayo.