Aadan Barre oo ka hadlay khilaafka Kenya iyo Soomaaliya

Waxaa sii xumaanaya xiriirka dawladda Kenya iyo dawladda federaalka Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyey aan cago adag ku taagneyn.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib ugu yeeratay safiirkii Kenya u joogay iyadoo taas beddekeeda safiirkii Kenya ee Soomaaliya ka dalbatay inuu dalkiisa waa-tashi ugu laabto.

Soomaaliya waxay ku eedaysay Kenya faro-gelin siyaasadeed, taas oo ay Kenya beenisay.

Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Kenya, horeyna usoo noqday guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka ayaa ka hadlay xiisaddan.