Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka tacsiyadeysay saraakiisha, askarta iyo shacabkii ku dhintay Qaraxii Ismiidaaminta shalay

Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tacsiyadeysay saraakiisha, askarta iyo shacabkii ku dhintay Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u geystay qof isku soo rakibay waxyaabaha qarxa.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu daabacay bogga rasmi ah ee ay Wasaaradda Amniga ku leedahay baraha bulshada, waxaana uu u qornaa sidan:-  “Ilaahay SWT ha u naxariisto saraakiisha sare, askarta iyo dadka shacabka ah ee weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabtay lagu beegsaday magaalada Gaalkacyo. Inta ku dhaawacantayna ilaahay ha u booga-dhayo.