Dhalinyaro ka welwelsan lacagaha diiwangalinta murashaxiinta baarlamaanka Soomaaliya

Iyadoo todobaadyada soo socda lagu wado inay bilaabato doorashada xildhibaannada barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhalinyaro farabadan waxay ka welwelsan yihiin lacagaha diiwangalinta murashaxiinta oo aad uga badan doorashadii 2016-kii.

Xubnaha u tartamaya aqalka sare ayaa laga doonayaa $20,000 oo is diiwangalin ah halka xubnaha doonaya golaha shacabka laga doonayo $10,000. Dhalinyaro badan ayaa rumeysan inay tani ku tahay caqabad weyn oo ka hor istaagi karta inay haweystaan inay doorashada ka qayb galaan.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa warbixintan ku eegaya welwelka dhalinyarada ee lacagaha diiwangalinta murashaxiinta xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya