Sare u kac ku yimid qiimaha quutul daruuriga Waajid, Xudur iyo Tayeeglow kadib Wadooyinka oo shabaab xireen..

January 11, 2021

 Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in Sare u kac  uu ku yimid qiimaha quutul daruuriga.

Arintaan ayaa timid kadib degmooyinka ka tirsan gobolka Bakool, ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee wadooyinka gala Waajid, Xudur iyo Tayeeglow iyo deegaano kale.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maciishada gobolka Bakool ay aad u sara-kacday kadib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ay xireen waddooyinka muhiimka ah ee gala degmooyinka gobolka Bakool.