Al-shabaab oo Qarax kula eegatay Ciidamo Kenyan ah Xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya

January 11, 2021

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan millatariga Kenya ayaa la dilay tiro kalane waa la dhaawacay kadib markii gawaaridooda lala eegtay qarax meel u dhow Xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

War kasoo baxay Milatariga Kenya ayaa lagu xaqiijiyay weerarka iyadoo lagu sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday ciidamada Kenya ee ka hoos shaqeeya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), iyagoo ku safrayay wadada Dhoobley.

“Weli waan aruurineynaa macluumaadka, illaa iyo hadda, waxaan helnay warbixin xaqiijineysa dhimashada afar askari oo ka tirsan ciidanka difaaca Kenya ee lagu dilay weerarka. Dhaawacyadu waxay gaari karaan sideed askari, ”ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in dadka qaba dhaawacyada halista ah loo duulinayo magaalada Nairobi si loogu daweeyo.

Xoogga hubaysan ee Al Shabaab oo war ka soo saaray dagaalka ka dhacay inta udhaxeeya Taabto iyo Dhoobleey ayaa lagu sheegay in laba gaari oo nuuca gaashaaman ah ay dab qabad siiyeen iyaga oo intaasi ku daray in ay qaarajiyeen 17 Askari oo katirsan Kenya ee KDF loo yaqaan halka ay ku dhaawacmeen 3 kale.

Dhanka kale sida laga soo xigtay dadka deegaanka saacadihii ugu danbeeyay diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqaymo ka gaystay deegaanka lagu magacaabo Raaso-Ugaas iyo tuulooyin hoosyimaada oo ay ku dhaqan yihiin dad xoolo dhaqato ah.

“Waxaan maqalnay dhawaqa madaafiicda ay tuurayeen diyaaradaha oo gaarayay ilaa 7 gantaal, ilaa iyo haddana lama oga khasaraha ka dhashay duqeymahan oo argagax ku abuuray dadka deegaannada la weeraray” Ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Duqeymaha diyaaradaha dagaalku ay fuliyaan ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa dadka rayidka ah ee ku nool deegaanadaasi, hasse ahaatee waxaa duqeymahaasi la sheegaan in yihiin kuwo lagu bartilmaameedsanayo xoogagga ururka Al-shabaab