Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo xalay degay hotelka Naasahablood 2 si bari ay uga Qeyb galkaan banaanbaxa..

Feb: 18/2/2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xalay degeen  hotelka Naasahablood 2 oo ku dhow dhismaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Labada madaxweyne oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa la sheegay in hotelka Naasahablood 2 oo dhow taalada Daljirka Daahsoon ay ka bilaabi doonaan abaabulka dibad-baxa la qorsheynayo in la qabto maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ammaanka hotelka iyo agagaarkiisa ay la wareegeen ciidamo ay wataan Xasan Sheekh & Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Arintan ayaa u muuqata in 3 iyo 0 la diray Gudoomiyaha amniga Qaranka Cali Yare Cali oo hanjabaad u soo jeedinaayay saacadihii la soo dhaafay  banaanbaxcayaasha iyo Musharixiinta.

office Nairobi