Wasiirka Dubbe “ Muqdisho jimcihii la soo dhaafay waxaa laga sameeyay Afgambi waana ka digaynaa mar kale..

February 23 , 2, 2021

 Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Prof Cusmaan Dubbe oo  la hadlay saxaafada ayaa sheegay in  Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay laga sameeyay waxa uu ugu yeeray isku day Afgambi.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ka hortageen isku daygaas Afgambi.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas”

Sidoo kale hadalka Dube ayaa ku soo aadaya Xili Mucaaradka ay maalinta jimcaha soo socda ku baaqeen Banaanbaxyo aan Rabshado Wadan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya