Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland oo kulan la qaatay Hay’adaha garsoorka Jubaland

.

February 25, /2/ 2021

 Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Hay’adaha garsoorka Jubaland.

Kulankan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ayuu Madaxweynahu ugu kuur galayaa hanaanka shaqada hay’adaha garsoorka si loo xoojiyo shaqada ay u hayaan Bulshada.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa hay”adaha garsoorka ku dhiiri geliyay inay si caddaalad ah ugu shaqeeyaan shacabka, islamarkaana waxaa uu ugu digay in musuq maasuq lagu sameeyo arrimaha garsoorka

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya