Kooxo Hubeysan oo goor dhawayd Suuqa Xoolaha B/weyne ku dilay askari Qorigiina ka qaatay..

February  27 /2/ 2021

Wararka ka imanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay goor dhawayd xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne  ku dileen Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo horay u qaatay qorigii uu watay.

Wararka ayaa sheegaya in  Askariga  xilliga la dilayay  uu ku sugnaa  Suuqa Xoolaha ee Xaafada Holwadaag, isla markaana kooxihii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen.

Sidoo kale Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Macallin Cismaan Cabdikariin ayaa ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, waxaana meydkiisa goobta lagu dilay ka qaaday ciidamo ka tirsan dowladda.

Magaalada B/weyne ayaa Mudooyinkii la soo dhaafay Waxay shabaab ka geestaan Dilal kala Duwan, taasi oo aan waxba laga qaban mudooyinkii la soo dhaafay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya