Xasan Cali Kheyre oo qeyb galaya shirka ka socda Hotelka Decale markii ugu horaysay la kulmay Rooble.

1da Maarso, 2021

Wararka ka imaanaya Shirka ka socda  Hotelka Decale  ayaa la soo sheegayaa in uu ka Qeyb galayo  Ra’isul Wasaare Rooble iyo Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oon qeyb ka aheyn shirkii hore uga dhacay Hotelka Decale.

Wararka ayaa sheegaya in kheyre uu markii ugu horaysay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ee ka danbeeyay uu la kulmo.

Sidoo kale Kulanka ayaa hadda socda, iyadoo dhinacyada diiradda saari doonaan sii wadista isfahamkii 25 bisha Febraayo wada gaareen labada dhinac, waxaana la filayaa in marka uu kulanka soo idlaado ay Warbaahinta la wadaagaan waxyaabaha la isku afgartay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya