Ku dhawaad 15 qof oo ku geeriyooday abaaraha ka jira gobolka Jubada Dhexe


3-da Marso, 2021

Wararka ka imaanaya gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Deegaano ka tirsan halkaas, ay ku dhinteen ku dhawaad 15 qof  kadib abaaro xoogan oo halkaas ku dhiftay.

Wararka ayaa sheegaya in  ay sii kordhayaan  kuleelaha iyo biya la’aanta ka jirta meela badan oo Jubaland ka mid ah, taasi oo keentay in geerida halkaas laga soo sheegayo ay aad u badnaato..

 sidoo kale waxaa  sii kordhaya saameynta iyo waxyeellada abaaruha ay sababayaan, ayada oo qeylo dhaan xooggan ay kasoo yeereyso deegaano badan.

Gudoomiyaha gobolka Jubada Dhexe ee maamulka Jubaland Haajir Bille Sugaal ayaa saxaafada u sheegay in dadka dagan halkaas iyo Xooluhuba ay Biyo la’aan u dhimanayaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya