Dowladda oo saakay aroor hore ka qaaday ciidamadii ay dhigtay waddooyinka taalada Dajirka Daahsoon

6-  Marso, 2021

Wararka ka imaanaya saakay Dajirka Daahsoon  ayaa sheegaya in Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaaday ciidamadii ay shalay dhigtay waddooyinka waa weyn ee soo gala taalada Dajirka Daahsoon.

Wararka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore la qaaday ciidamadaasi ‘oo loogu tala-galay inay ka hortagaan dibad-baxa mucaaradka’ oo ay musharraxiintuba baajiyeen, kaas oo horey loo shaaciyey inuu dhacayo maanta Sabti ah, kuna beegan 6-da bisha March, 2021.

Sidoo kale waxaa haatan si caadi ah u shaqeynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga kala gooshaya agagaraka taalada Daljirka Daahsoon oo shalay la xiray.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya