Mo Faarax oo ku guuleystay tartan dhinaca Orodka ah oo ka dhacay dalka Jabuuti.

6-  Marso, 2021

Wararka ka imaanaya Dalka Jabuuti ayaa sheegaya in lagu soo gabagabeeyay tartan dhanka orodka ah oo ka socday dalkaas, maalmihii la soo dhaafay.

Waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Maxamed Faarax oo ka socday Britain halka kaalinta labaad uu galay Bashiir Cabdi oo ah nin Soomaali ah oo matalayay dalka Belgium.

Waxaana kaalinta saddexaad uu galay Muumin Buux oo ka socday Jabuuti.

Tartankan waxaa soo qabanqaabiyay xiriirka tartamada orodka ee Jabuuti.

Tartamadan waxaa ka qeybgalay waddamo dhowr ah oo ay kamid yihiin Kenya, Soomaaliya, Itoobiya, Britain iyo Belgium.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya