Minneapolis: Soo dhaweyntii wasiirka Qorsheyta Qaranka iyo Xiriirka Caalimiga

Minneapolis | August 30, 2015 – Xaflad  si aad u qurux badan loo soo agaasimay  laguna soo Dhaweynayay Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Xiriirka Caalimiga Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa Xalay lagu qabtay Magaalada Minneapolis.

Xafladan Casho sharafka aheyd ayaa waxaa  ka soo qeyb galey marti sharaf ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada ku Dhaqan magaalooyinka  mataanaha ah ee Minneapolis iyo St. Paul.

Wasiirka Qorsheynta mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte ayaa warbixin dheer ka bixiyay guud ahaan xaalada dalka kuna gubaabiyay Qurba joogta in ay ku dadaalaan sidii ay uga qeb qaadan lahaayeen Dib u dhiska dalka iyo dhaqan gelinta nidaamka Federalka ah.

Wasiirka ayaa wuxuu ka hadlay Daruufaha  Dawlada haysto asagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay Marxalda siyaasadeed ee dalku haatan marayo siiba Moshinka Baarlamaanku ka keenay madaxweynaha, ayuu wasiirku wuxuu yiri waxaa haboonaan laheyd in waqtiga dowlada u dhiman lagu saleeyo waxqabad ee aan la abuurin xaalad siyaasadeed hase yeeshee waxaa ilaah mahadii ah in aanan maanta laysu galeyn aagag ee dastuur iyo si dimoqraadi ah lagu dhaqmayo.

ceynte-MN-16 ceynte-MN-8 ceynte-MN-9 ceynte-MN-10 ceynte-MN-11 ceynte-MN-12 ceynte-MN-13 ceynte-MN-14 ceynte-MN-15 ceynte-MN-2 ceynte-MN-3 ceynte-MN-4 ceynte-MN-5 ceynte-MN-6 ceynte-MN-7 ceynte-MN-1

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *