Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso ka furay shirkii Gudiga Ammniga Puntland. Kadib weerarkii Xabsiga Boosaso.

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Boosaaso, ayaa Shir-Guddoomiyey kulan uu  la qaatay xubnaha Golaha Wasiirada ee ku sugan Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay Amniga Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland iyo dardargelinta howlgalada amni ee ka socda Gobolka oo meel wanaagsan maraya.

Puntland ayaa sheegtay in Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ay ku jiraan heegan buuxa, Iyadoo loo guntaday sidii argagixisada looga sifeyn lahaa guud ahaan Puntland.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhawaan Boosaaso ku qaaday weerar lixaad leh, waxaana ka dhashay khasaare iyo in Maxaabiis laga siidayay xabsiga Boosaaso.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya