Madaxweyne Axmed Islaam oo la kulmay Danjiraha cusub ee ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Kate Foster

.

muqdisho /Qol/  March 11, 2021

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoyigiis magaalada Muqdisho ku qaabiley Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn kadib kawada hadley xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo magaalada Muqdisho si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka.

Sidoo kale madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadley sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysey ee gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya