Muqdisho, 15da Maarso, 2021–Isniinta maanta ah, maxkamadda ugu saraysa ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay bilawdo dhageysiga dacwadala bada Soomaaliya ee Kenya muranka galasay, kadib sanado badan oo dib u dhac uu ku yimid dacwadda oo xumaysay xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada wadan.
Jadwalka loogu talagalay dhagaysiga ayaa soconaya illaa iyo 24-ka Maarso, dhageysiga dadweynaha ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa noqonaya “qaab fogaan arag ah” sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha maxkamadda ay si shaqsi ah uga soo qeyb galayaan dhageysiga dacwadaha.
Axadii, wargeysyada Kenya waxa ay qoreen in dowlada Nairobi ay go’aansatay saacadii 11-aad inaysan kaqeyb qaadan dacwadaha maalinta Isniinta, iyagoo sabab uga dhigay “eex iyo rabitaan la’aan”.
Waa maxay arrinta?
Muranka u dhexeeya labada dal ee Bariga Afrika ayaa salka ku haya ka dib markii Kenya sheegatay qayb ka mid ah bada Soomaaliya ee jihada soohdinta Badweynta Hindiya.
Soomaaliya waxa ay ku doodeysaa in soohdinteeda badda ay tahay in loo maro jihada wadada koonfur-bari ee xadka dhulka ee dalka. Taa bedelkeeda, Kenya waxa ay ku andacooneysaa in soohdintu ay u weeciso xeebta qiyaastii 45-digrii oo ay ku dhacdo khadka tooska ah Tani waxa ay Kenya siineysaa marin ballaaran oo badda ah.
Kalluumeysiga ka sokow, aagga lagu muransan yahay – qiyaastii 100,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran – waxaa loo maleynayaa inuu hodan ku yahay saliidda iyo gaaska, iyadoo Kenya doonayso in ay xalaalaysato biyaha Soomaaliya.


Habsocodsiinta hawsha
Sannadkii 2014-kii, Soomaaliya waxa ay weydiisatay maxkamadda ICJ in ay go’aan ka gaarto kiiskaas ka dib markii wadaxaajoodka maxkamadda ka baxsan ee u dhexeeyay labada dal ee ujeedkeedu ahaa xallinta khilaafka uu burburay.
Bishii Febraayo 2017, maxkamaddu waxa ay xukuntay in ay xaq u leedahay in ay ka garnaqdo kiiska iyada oo garsoorayaashu ay diideen sheegashadii Kenya ee ahayd in heshiis lala galay 2009 uu ballanqaadayay in arrinta lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda, inkastoo Soomaaliya diiday meel ka baxsan ICJ.
Bishii Juun 2019, ICJ waxa ay sheegtay in dhageysiga maxkamada la qaban doono inta u dhexeysa Sebtember 9 iyo Sebtember 14 ee sannadkaas, balse waxa uu dib u dhacday illaa Nofeembar 4 ka dib markii laga aqbalay codsi ay Kenya ku sheegtay in ay u baahan tahay waqti ay ku qorto koox sharciyeed cusub.
Dhinaca Kenya ayaa racfaan ka qaatay dhagaysiga bishii Nofeembar, iyagoo sheegay in ay u baahan tahay illaa hal sano. ICJ waxa ay markaa dhageysiyada u wareejisay Juun 2020, laakiin Kenya ayaa markaa codsatay in dib loo dhigo mar kale, iyada oo u sababaynaysa aanfada covid-19, UN-ka ayaa dib u dhigtay dhageysiga ilaa Maarso 2021.
Bishii Janaayo, Kenya waxa ay warqad u dirtay ICJ oo ay ku codsaneysay in dhageysiga dib loo dhigo markii afaraad, iyadoo sheeganeysa khariidad ay kujiraan macluumaad muhiim ah oo lagu waday in la soo bandhigo laga xaday.
Soomaaliya ayaa iska diiday tallaabadaas, ICJ-na waxa ay sheegtay horaantii bishaan in dhageysiyada ay bilaaban doonto 15-ka Maarso.
Dacwadaha ka dhaca maxkamadda ICJ, oo xukuma khilaafaadka u dhexeeya dawladaha heshiisyada caalamiga ah, ayaa socon kara sannado badan.
Xukunnadeedu waa ku khasab, in kasta oo maxkamaddu lahayn awood fulineed oo waddammada lagu yaqaanay in ay iska indhatiraan xukunnada.
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya
Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun isu rogay 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Bishii Maarso ee sanadkii hore, Soomaaliya waxa ay ka mamnuucday in Muqdisho laga soo dejiyo qaadka Kenya iyada oo Kenya kordhisay cadaadis ay ku hayso xukumadda Muqdisho.
Soomaaliya ayaa sheegtay in xayiraadu ay tahay in la xakameeyo faafitaanka cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ laakiin qaadka laga keeno Itoobiya lama joojin taas oo arimo siyaasadeed lagu micneeyay.
Bishii Maarso ee sanadkii hore, Kenya waxa ay ku eedeysay Soomaaliya “weerar aan loo baahneyn” oo ay ku qaadday magaalada Mandheera ee dalka Kenya intii uu socday dagaal culus oo ka dhacay xadka ay wadaagaan dowladda Soomaaliya iyo ciidamada gobolka. Soomaaliya way beenisay sheegashadaas.
Xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay bishii Diseembar kadib markii Soomaaliya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Kenya, iyadoo ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha. Kenya way diiday eedeymahaas.
Soomaaliya ayaa ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta ku sugan Nairobi in ay dalka ku soo laabtaan iyadoo diblomaasiyiinta Kenya ku amartay in ay ku baxaan toddobo maalmood gudahood.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu martigeliyay magaalada Nairobi Muusa Biixi Cabdi, madaxweynaha Somaliland, gobolka waqooyi-galbeed ee ku dhawaaqay madax-bannaanida Soomaaliya 1991-kii taas oo lagu sifeeyay ixtiraam la’aanta Kenya ee xiriirka ka dhexeeya labada wadan.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________
