Dagaal kulul oo ka socda xadka Soomaalida iyo Canfarta iyo qasaare ka dhashay

April 6, 2021  

Wararka ka imaanayo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxay sheegayaan in dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay galbeedka Gobolka Sitti.

Dadka deegaanka ayaa BBC u sheegay in dagaalka uu sababay.dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa saaka ka bilowday tuulooyinka ku teedsan xadka Soomaalida ay la wadaagto Canfarta.

Ma jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhinaca dowladda oo la xiriira dagaalka.

Office Nairobi