Abawaan Carabow Maxamed Axmed oo ka mid ah golaha abwaanada Soomaaliyeed oo muqdisho ku geeriyooday

April 9-4-2021

Allaha u naxariistee Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Abawaan Carabow Maxamed Axmed oo ka mid ah golaha abwaanada Soomaaliyeed.

Abwaanka ayaa ku caan baxay barnaamihyada nabadeynta, islamarkaana waxaa uu qeyb ka qaatay dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed, isagoona ka mid ahaa shaqaalaha wasaarada Wasrfaafinta Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Maanta  lagu wado in abwaan Carabow  lagu aaso magaalada Muqdisho.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed  oo ah guddoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed oo la hadlay saxaafada  ayaa u xaqiijiyay geerida marxuum Abwaan Carabow.

Sidoo kale Abwaan Carabow ayaa lagu xasuustaa curinta heesaha wadaniga, gabayada iyo kuwa kale oo badan

Office Nairobi