Donald Yamamoto oo la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-gobolleedyada Puntland iyo jubbaland

April 11-4-2021

Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweyneyaasha Dowlad-gobolleedyada Puntland iyo jubbaland.

Labada dhinac, ayaa ka wada hadlay khilaafka doorashada Soomaaliya iyo sidii markale la isugu laaban lahaa shirkii Teendhada Afesiyooni.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto ayaa bilaabay dedaalo dib ugu soo laabanayaan miiska wadaxaajoodka kadib fashilka kulamadii Afasiyooni.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada baaqyada iyo dedaallada ku aadan sidii markale ay isugu imaan laaban lahaayeen madaxda dowladda federaalka  iyo dowlad gobolleedyada, si xal looga gaaro muranka ka taagan qabsoomida doorashda Soomaaliya.

Kulankan ayaana ku soo aaday xili maanta uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen uu socdaal laba casho ugu ambabaxay magaalada Baydhabo.

Office Nairobi Kenya