Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo goordhow ka dhoofay magaalada Muqdisho

April 13-4-2021

Wararka ka imaanaya garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd ay halkaas ka dhoofeen Madaxweynayaasha Puntland Saciid Deni iyo Jubbaland Axmed Madoobe.

Labo diyaaradood oo kala qaaday labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa daqiiqado gudahood uga dhoofay garoonka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in marka labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ka dagaan Kismaayo iyo Garowe qaban doonaan shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka.

Sidoo kale Xaalada Muqdisho ayaa geli doonta weji cusub, iyadoo ay isugu soo hareen Musharaxiinta iyo Farmaajo, lamana qiyaasi karo sida xaalada noqon doonto, iyadoo Madaxweyne Farmaajo ku dhiiran doono muddo kororsiga labada sano sidii ugu mira dhalin lahaa.

Office Nairobi Kenya