Axmed Madoobe oo Xilkii ka qaaday taliyaha ciidanka Booliska, ku xigeenkiisa iyo Agaasimaha hay’adda nabad sugida.

April 17, 2021

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey taliyaha ciidanka Booliska maamulkaasi, ku xigeenkiisa iyo agaasimaha hay’adda nabad sugida.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale taliyeyaal cusub u magacaabay xilal kaasi, kadib wareegto maanta kasoo baxday xafiiskiisa.

Taliyaha guud ee Booliska Jubbaland ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Sheekh, halka ku xigeenkiisa laga dhigay Maxamed Guuleed Xasan.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa agaasimaha hay’adda nabad sugida u magacaabay Maxamed Axmed Sabriye, sida lagu sheegay digreetada.

about:blank Saraakiisha hay’adaha ammaanka iyo ciidamada ayaa la faray inay la shaqeeyaan taliyeyaasha cusub ee la magacaabay, kuwaas oo la amray inay xilka la wareegaan.

Office Nairobi Kenya